Maxay Axmed Madoobe Iyo Mukhtaar Roobow Ku Heshiiyeen?

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo sidoo kale wadaadka kasoo baxsaday Al-shabaab Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa Hal arrin oo muhiim ah ku heshiiyey.

Xogta ayaa sheegeysa in Labadan wadaad isku fahmeen in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab, islamarkaana ay weeraraan meel walbo oo Al-shabaab ku dhuumaneyso.

Axmed Madoobe ayaa u ballanqaaday Roobow inuu ka saacido wax walbo oo u baahdo sida ciidamada iyo hubka.

Waxyaabaha la isku fahmay ayaa ah in la mideeyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee K/galbeed iy osidoo kale Jubbaland.

Labadan wadaad waxay horey uga wada tirsanaayeen maleeshiyada Al-shabaab, waxaana ay haatan isla qireen in Al-shabaab wadada ay ku socoto tahay mid aad u qaldan.
Xaalada degmada Afgooye oo degan kaddib dagaal xalay ka dhacay
Share Tweet Email Share Share Share

Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaaladu degan kaddib dagaal culus oo xalay halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay soo weerareen qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ciidamada booliska Afgooye C/qadir Cismaan Nuunow ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay weerareen meel banaanka ka ah degmada.

Al-shabaab ayaa inta badan bartilmaameesaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin degmada Afgooye qeybaha kale ee gobolka Shabeellaha Hoose


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT