Lionel Messi Oo Shaaciyay Labada Kooxood Ee Barcelona Ka Qaadi Karta Champions League Xilli Ciyaareedkan

Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa ka hadlay kooxaha uu filayo inay kooxdiisa kula tartanto Champions League xilli ciyaareedkan iyadoo isbuucaan uu dib u bilaabanayo tartanka ugu xiisaha badan qaarada Yurub.

Lugta koowaad ee wareega 16ka Champions League ayaa la ciyaari doonaa habeenka Talaadada iyo Arbacada iyadoo Barcelona ay wajaheyso Chelsea halka Real Madrid oo koobkaan difaacaneysa ay is arkayaan kooxda Paris Saint-Germain.

Inkastoo uu Messi sheegay inaan la dhayalsan karin Real Madrid hadana waxa uu xusay in kooxaha Manchester City iyo Paris Saint-Germain inay yihiin kuwa looga baqayo inay hantaan koobka xilli ciyaareedkan.

Sida ay qortay Daily Mirror, Messi ayaa yiri: “Manchester City waa mid ka mid ah kooxaha ugu xooga badan ee jooga si la mid ah Paris Saint-Germain.

“Sidoo kale kama saarayo Real Madrid marka laga hadlayo tayadooda iyo khibradooda, inkastoo aysan gaarin natiijooyinkii laga filayay.

“Ka dib waxaa joogta Bayern Munich oo ah koox kale oo weyn oo ilaa iyo dhamaadka ciyaar doonta. Si kastaba, maanta labada kooxood ee ugu fiican waa City iyo Paris Saint-Germain.”


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT