Jose Mourinho Oo Real Madrid U Deyriyay, Liverpool Oo U Weecatay Bailey & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

 

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan ku soo dhawaada barnaamijkeena maalinlaha ah ee aan idin kula socodsiino wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ay qoreen wargeysyada Yuruba ka soo baxa.

Waxaa soo xirmay suuqa kala iibsiga bisha Janaayo iyadoo kooxaha kubada cagta Yurub ay mid walba ula falgashay sidii ula habooneyd. Xaqiiqda wararkaan mas’uul kama ah laacib, waxaana xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku hor qoran.

Goolhayaha Stoke City Jack Butland oo 24-sano jir ah ayaa bartilmaameed u ah kooxaha Arsenal & Liverpool. (The Sun)

Chelsea ayaa dooneysa in tababare Antonio Conte uu ka baxo Stamford Bridge xagaaga iyadoo labada dhinac heshiis uu dhexmaryo halkii la ceyrin lahaa. (Telegraph).

Everton ayaa bartilmaameed buuxa ka dhiganeysa tababare Paulo Fonseca oo haya xilka Shakhtar Donetsk si uu badal ugu noqdo Allardyce xagaaga. (Mail)

Manchester City ayaa aduun dhan 50 Malyan oo Pound ku qaadaneysa xidiga reer Brazil Fred kaas oo xagaaga soo aadan ka hayaami doona Shakhtar Donetsk. (Mirror)

Everton ayaa diyaar u noqoneysa xagaaga iney aduun dhan 30 Malyan oo Pound ku iibiso xidiga reer England Michael Keane. (People).

Kevin de Bruyne oo heshiiskiisa Citizens uu dhamaanayo 2023 ayaa isha ku hayainuu waayahiisa kusoo dhameeyo horyaalka Major League Soccer. (The Sun).

Liverpool ayaa u weecatay 20-jirka reer Jamaica Leon Bailey kadib markii ay ku hungoobeen xidiga As Monaco Thomas Lemar. (People)

Jose Mourinho ayaa u sheegay Real Madrid in goolhayaha 27-jirka ah David de Gea uusan ka dhaqaaqi doonin garoonka Old Trafford. (Mirror)
Lionel Messi Oo Shaaciyay Labada Kooxood Ee Barcelona Ka Qaadi Karta Champions League Xilli Ciyaareedkan
Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa ka hadlay kooxaha uu filayo inay kooxdiisa kula tartanto Champions League xilli ciyaareedkan iyadoo isbuucaan uu dib u bilaabanayo tartanka…

Zinedine Zidane Oo Paris Saint-Germain U Sheegay In Ay Hadda Si Buuxda Diyaar Ugu Yihiin Kulanka Arbacada, Muxuuse Ka Yidhi Ku Orintii Jamaahiirta Madrid Ee Benzema?
Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa kadib guushii waynayd ee ay kooxdiisu Estadio Santiago Bernabeu kaga gaadhay Real Sociedad waxa uu cadeeyay in ay si…

Cristiano Ronaldo Oo Canaantay Jamaahiirta Santiago Bernabeu Markii Ay Ku Ooriyeen Weeraryahan Karim Benzema
Dhamaadka ciyaartii ay Real Madrid 5-2 kaga badisay kooxda Real Sociedad ayaa weeraryahanka Faransiiska Karim Benzema waxa uu qasaariyay fursad goolal loo fishay taasoo keentay…

“Kevin de Bruyne Waa Kubad Baasaha Abid Ugu Fiicnaa Horyaalka Premier League”
Jamie Redknapp ayaa ku amaanay Kevin de Bruyne inuu yahay xiddigii ugu fiicnaa dhanka baasaska ee uu abid arko ka dib markii uu seddex caawin sameeyay kulankii ay Manchester…

Jose Mourinho: Waxaan Ahay Tababaraha Ugu Akhlaaqda Wanaagsan Horyaalka Premier League, Waxaana Doonayaa Abaalmarin


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT