Wasiir Maareeye oo shaqada ka joojiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha+WAREEGTO

 

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Wasiir Maareeye ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda C/llaahi Xayir Ducaale iyo Agaasimihii Waaxda Ganacsiga C/qaadir Cismaan Maxamed.

Wareegto uu soo saaray Wasiir Maareeye ayuu kaga hadlay maamul xumo iyo wax is daba marin ka socota Wasaaradda Ganacsiga, isagoo eedeyn culus u jeediyay Agaasimihii Guud ee uu xilka ka qaaday.

Maareeye ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga si KMG ah ugu magacaabay C/kariin Maxamuud Axmed oo horay u hayay xilka Agaasimaha Waaxda Mashaariicda iyo xiriirka dowlad goboleedyad,a inta lga soo dhameystirayo qorshayaasha guud ee dib loogu hagaajinayo Agaasimayaasha Guud.

Sidoo kale waxaa xilka Agaasimaha Waaxda Ganacsiga ee Wasaaradda loo magacaabay Axmed Cali Xasan.

Agaasimihii xilka laga qaaday C/llaahi Xayir Ducaale ayaa waxaa la faray inuu muddo 48 saac xilka ku wareejiyo, kana dhex baxo howlaha maamulka Wasaaradda oo aanu wax faragelin dambe ku sameyn isla markaana iska xaadiriyo Xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka.

Halkaan Ka Akhriso Wareegtada:-


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT