Maxay Wakiillada Uganda ee Bariga Afrika u diideen in Ururkaas lagu daro Somaliya?

Xildhibaannada Baarlamaanka Uganda ku matala Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa ku kala qeybsamay in ururkaas lagu daro Soomaaliya.

Xildhibaannada qaar ayaa sheegay in Soomaaliya haddii lagu daro Ururkaas ay Al-shabaab ka faa’dieysanayaan islamarkaan weerarro ka geysanayaan Gobolka.

Susan Nakawuki oo ka mid ah Xildhibaannada diiddan in Soomaaliya lagu daro Ururkaas ayaa sheegay in haddii Soomaaliya loo furo sohdinta ay taas horseedeyso in Al-shabaab ay ka faa’ideystaan.

Laakiin Xildhibaan Fred Mukasa Mbidde,ayaa aaminsan in ururkaas haddii lagu daro Soomaaliya ay fududaaneyso dabagalka lagu sameyn karo AL-shabaab loogana saari karo Gobolka.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT