M/weynaha maamulka Puntland oo shir ku casuumay Madaxda dowlad goboleedyada+AKHRISO

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku casuumay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada inay shir ka dhici doona magaalada Garowe 20-ka bisha Maarso ee soo socoto.

Warqad ka soo baxday Madaxweynaha Puntland oo aheyd casuumaada shirka oo ay heshay Jowhar.com ayaa loo kala diray Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Puntland oo ah Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shirka labaad ee ay isugu imaanayaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada looga hadli doono arrimo quseeya danaha dowlad goboleedyada iyo guud ahaan kuwa dalka kaga aadan Golaha.

Shirkii u horeeyay ee lagu dhisay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka dhacay bishii October ee sanadkii 2017 magaalada Kismaayo, xilligaasoo ay soo saareen war murtiyeed ku aadan xaalada dalka iyo khilaafkii dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT