Hooyga Taliyihii hore ee Howlgalinta Ciidamada NISA oo xalay la weeraray

Waxaa xalay  weerar Bambaano lagu qaaday Hooy uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Taliyihii hore ee ciidamada Howlgalinta Nabadsugida Somalia  Maxamed Abuukar Jacfar.

Hooyga weerarka Bambaano lagu qaaday ee uu degan yahay Jacfar ayaa ku yaalla Degmada Howlwadaag, gaar ahaan eeryada iskuul dhagaxtuur, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Hooyga Jacfar lagu weeraray ilaa laba Bamgacmeed.

Dadka deegaanka ayaa intaa ku daray in dadka ku dhintay ay ahaayen Hooyo iyo carruur ay dhashay oo wadada maraayay, inkastoo dadka qaarna ay sheegayaan inay dhaawac yihiin.

Bamka ayaa la xaqiijiyay inaanu khasaaro kasoo gaarin ilaalada Jacfar oo aan iminka heyn wax xil ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay tani kusoo beegmeysaa xili weerarada al-Shabaab ay kusoo koobmeen Bamgacmeedyo.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT