Guddoomiyihii hore G/Banaadir Taabit Cabdi oo gaaray magaalada Istanbul+SAWIRO

 

Gudddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliya iyo Wariyeyaal.

Taabit ayaa magaalada Istanbul kaga qeyb gali doono shir ay qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Waxaa uu booqan doonaan Isbitaalada ay jiifaan Bukaanada Soomaaliyeed oo uu horay caafimaadkooda balan-qaaday xilligii uu xilka hayay.

Hadal uu jeediyay munaasabadii xil wareejinta ayuu ku sheegay in xilka uu meerto yahay, balse niyad wanaagga iyo naxariisto aanay meerto aheyn.

Guddoomiye Taabit ayaa wali xiran calaamadii gaduudneyd ee uu xirtay kaddib qaraxii 14-ka Zoobe oo boqolaal qof lagu gumaaday.

 

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT