Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php:18) in /home/sadaq/public_html/wp-content/plugins/post-views-counter/includes/counter.php on line 276
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo su’aalo badan ka keenay jawaabtii Madaxweyne Farmaajo ee kiiskii Qalbi Dhagax | <link rel="pingback" href="http://www.halsheeg.com/xmlrpc.php" /> Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo su’aalo badan ka keenay jawaabtii Madaxweyne Farmaajo ee kiiskii Qalbi Dhagax | Hal Sheegaha La Hubo

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo su’aalo badan ka keenay jawaabtii Madaxweyne Farmaajo ee kiiskii Qalbi Dhagax

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ahaa Musharaxiintii Xilka Madaxweynaha kula tartantay Madaxweyne Farmaajo ayaa su’aal badan ka keenay jawaabtii uu ka bixiyay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inay is weydiinta tahay sababta Madaxweyne Farmaajo lix bilood kaddib uu ka hadlo kiiska Qalbi Dhagax.

“Waxaa is waydiin mudan sababta uu Madaxweyne Farmaajo u ogolaaday in uu lix bilood ka gadaal ka hadlo kiiska Qalbi-Dhagax, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu taageerayo go’aankii Baarlamaanka ka qaatay dhiibista Qalbi-Dhagax”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Waxaa uu sheegay in Baarlamaanka uu sheegay in Qalbi Dhagax uu yahay muwaadin Soomaaliyeed, dhiibistiisa ay aheyd sharci darro, isla markaana Hey’adda Sirdoonka ay xog aan sugneyn u siiyeen Madaxda dalka.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Xukuumadda ay horay u difaacday go’aanka dhiibista Qalbi Dhagax, isla markaana ay sheegtay inuu sharci ahaa, ONLF ay ku tilmaamtay urur Argagixiso, Qalbi dhagaxna yahay dambiile.

Hadaba C/raxmaan C/shakuur ayaa shan su’aalood ku soo koobay jawaabtii Madaxweyne Farmaajo ka bixiyay.

1- Madaxweynaha miyuusan ogayn go’aanka Xukuumada?

2- Muxuuse uga aamusay?

3-Muxuu u doortay xiligan in uu ka jawaabo kiiska Qalbi-dhagax?

4-Sidan masuuliyad ma kaga haraysaa?

5- Sow lama oran karo hadii Baarlamaankii iyo Madaxweynihii isku aragti noqdeeen, Maxaa Xukuumada u yaala ?.

Fikradaha Akhristayaasha (0)

ADVERTISEMENT