M/weyne Waare oo la shiray qaar ka mid ah xildhibaannada laga soo doorto Hirshabeelle

 

M/weynaha Dowlad Goboleedka ee Hirsahebeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Hirshabelle ku matala dowladda dhexe.

M/weynaha iyo xildhibaannada ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo howlaha horyaalla maamulka Hirshabeelle iyo Sida ay lagama maarmaanka u tahay in la iska kaashado horumarinta Hir-shabeelle.

Intii kulanka uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xogwareysteen xaaladaha amni iyo midda bulsho ee degaannada Hirshabelle, iyo in xildhibaannada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabeelle ay u midoobaan horumarinta iyo dhisidda dowlad goboleedka si dhowna ay ula shaqeeyaan maamulka haatan jira.

M/weynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Xildhibaannada u faah faahiyay muddada xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, wuxuuna ugu baaqay inay qaataan doorkooda ee ah u shaqeynta bulshada ay matalaan.

Sidoo kale qaar ka mid xildhibaannada ayaa u faah faahiyay Madaxweynaha Socdaal dhowaan ay ku tageen degaanno ka tirsan Hiiraan , iyagoo hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyaga iyo Madaxweynaha.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT