GuddoomiyeYaariisow oo ka qeybgalay dib u howlgalinta Dugsiga 15-May+Sawiro

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ahayd mid lagu furayay dugsiga 15 May ee magaalada Muqdisho ayna ka qeybgaleen madax ka socotay dowlada Federalka ayaa maanta lagu qabtay xarunta dugsigaas.

Dib u howl galinta Dugsiga 15-May waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Soomaaliya, Safiirka Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya Mr.Waliid Ismaaciil, Maamulka Degmada Warta Nabadda Fanaaniin iyo Qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha gbalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Yariisow ayaa qeyb-qeyb u kor meeray fasallada eey wax ku bartaan ardeyda, isagoo ardeyda ku dhiiri galiyay in eey si wanaagsan wax u bartaan, islamarkaana eey wax-barashada u huraan waqtigooda si’ eey uga mid noqdaan bad-baadiyaaasha Mustaqbalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada ee Gobolka Benaadir Seynab Maxamuud Warsame (Xaabeey) ayaa ugu horeyn ka hadashay munaasabada Dib u howl galinta Dugsiga 15-May, waxa eeyna sheegtay in ka maamul degma ahaan eey ku faraxsan-yihiin in degmada eey fursad u hesho in dib loo howl-geliyo mid kamid ah Schoolada taariikhiga ah ee degmadu leedahay.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Hadiha iyo Tacliinta Sare Dowladda Soomaaliya Cabdiraxman Daahir Cismaan ayaa ku dheeraaday ka hadalka dugsiga isagoo tilmaamay taariikhda faca-weyn ee uu ku fadhiyo dugsiga 15-May.

Ugu dambeyn duqa Muqdisho Eng Yariisow ayaa sheegay in maamulkiisa ahmiyad gaar ah uu siin doono horumarinta adeegyada bulshada sida wax-barashada, isagoo sidoo kale si gaar ah ugu mahad celiyay dowladda Masar oo iyada bixineysaa qarashaadka barayaasha wax ka dhiga Schoolka 15-May.

Dugsiga 15-May ayaa ka mid ah iskuuladii ugu horeeyay ee laga furay caasimada dalka ee Muqdisho waxaana wax ku soo bartay kumanaan arday ah oo qaarkood ka mid ah haatan mas’uuliyiinta dalka Soomaaliya.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT