Shirkii u horeeyay ee cilmi baaris caafimaad oo lagu qabtaymagaalada Muqdisho

 

Shirkii ugu horeeyay ee cilmi baaris caafimaad oo ay soo qaban qaabisa Jaamacadda Jamhuuriya ee culuumta iyo tiknoolojiyada ayaa lagu qabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen xeel dheerayaal Caafimaad oo ka kala yimid dalka iyo Dibada ayaa diirada lagu saaray baahida loo qabo sare u qaadista iyo tayeynta cilmi baarista caafimaad ee laga sameeyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Injineer Maxamuud Axmed Jimcaale oo ka hadlay munaasabada furitaanka shirka ayaa rajo weyn ka muujiyay in guusha laga gaaray shirkan mid ka wanaagsan la gaari karo hadii la helo iskaashi dhex mara Jaamacadaha dalka.

In ka badan lix iyo toban cilmi baaris ayaa lagu soo bandhigay shirkan, iyadoo Xamdi Jaamac Maxamed ay ku guuleysatay Abaal marinta Cilmi baarista ugu wanaagsann ee lagu soo bandhigay Shirka, waxayna boggaadisay Dadaalka ay Jaamacada Jamhuuriya galisay agaasinka shirkan iyada oo hoosta ka xariiqday in ay guul u tahay guud ahaan ummada Soomaaliyeed qabsoomida shirarka noocaan ah.

Prof. Cabdi Cali Geelle oo ah cilmi baare ka tirsan Jaamacadda Oslo ee dalka Norway, una yimid Magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirkan ayaa tilmaamay in ay tahay guul weyn in Soomaaliya ay qeyb ka noqoto sameynta culuumta oo ay saldhig u tahay Baaritaannada Caafimaad.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT