Muxuu Xasan Sheekh Muqdisho u imaanayaa+wax badan ka ogow safarkiisa Xamar?

 

Madaxweynihii hore ee soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa la sheegay inuu magaalada Muqdisho u imaan doono sidii uu uga warbixin lahaa khaladaad dhacay markii uu Madaxweynaha ahaa.

Qaar ka mid ah shirkadaha dhismooyinka laga joojiyeye ee amarkana bixiyey M/weyne Farmaajo ayaa waxay soo gudbiyeen warqado loo saxiixay markii ay dhismaha galayeen.

Xasan sheekh maxamuud ayaa kula kulmay saacado ka hor magaalada nairobi Xildhibaano uu ka mid yahay C/qaadir Cosoble Cali,wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye iyo senetor Abshir Bukhaari.

Warbaahinta madaxa bannaan xog ay heshay ayaa cadeeynaya inuu kala hadlay sidii dalka loogu hogaamin lahaa dimograadiyad haddana uu dareemayo dib udhacyo jira.

Xasan Sheekh ayaa farmaajo aysan siyaasad ahaan isku fiicneyn tan iyo sanadkii hore markii uu ka guuleystay doorashadii ka dhacday muqdisho ,waxaana xasan sheekh uu sheegay in saxiixyadii uu bixiyey ka war celin doono wixii laga weydiiyo.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT