Maxaa ka jira Kheyre inuu wadahadal hoose la furay Beesha Habargidir?

Warar hoose ayaa waxay sheegeyaan in in R/wasaare Xasan Cali Kheyre uu hadda damacsan yahay in wadahadal uu la furo siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Habargidir.

Mudane Kheyre oo culeys aan caadi ahayn kala kulmay beeshan ayaa doonaya si loo xalliyo wixii khilaaf ah in wadahadal uu la galo beeshan.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegaya in Todobaadka soo socoda uu Kheyre balamiyey waxgaradka Beesha Habargidir si ay ugu kala dabqaadaan isaga iyo siyaasiyiinta beeshaasi.

Waxyaabaha diiradda kulamadan lagu saari doono ayaa ah sidii ay beesha tageero buuxdo u siin lahayd Kheyre iyo xukuumaddiisa.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT