Ganacsade la ogaaday inuu Maalgelinayey Mooshin ka dhan ah Jubaland

Cadeymo ay heshay warbaahinta (HSH) ayaa Muujinaya in Ganacsade Axmed Faarax oo ah Milkiilaha Hotel Makka ee Magaalada Kismaayo uu ahaa shaqsigii maalgelinayey Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland in ay Mooshin ka geeyaaan Golaha Wasiirada, Mooshinkaa oo markii dambe fashil ku dhamaaday.

Xubno ka mid ah Xildhibaanada Jubaland oo ka gaabsaday Magacooda ayaa sheegay inuu jiray Xiriir kala dhexeeyey Ganacsadahaa si loo dardar geliyo Mooshinka qalqalna looga abuuro Maamulka Jubaland.

Warar kale ayaa xaqiijinaya in Baaritaan ay sameeyeen Maamulka Jubaland ay soo heleen Qoraalo iyo fariimo ay isku direen Ganacsade Axmed Faarax iyo Xildhibaanada Mooshinka abaabulayey.
Ganacsade Axmed Faarax oo ku Beel ah Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in lacagta uu ku maalgelinayey Xildhibaanada Jubaland ay uga imanaysay dhanka Villa Soomaaliya.
Waxaa kal hore jiray Xildhibaano tiradoodu gaarayso 16 oo haatan ka hor isugu tagay Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo kuwaasoo uu Maalgelinayey Ganacsade Axmed Faarax iayagoo abaabulayey sidii looga taqalusi lahaa Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Hawsha Ganacsi ee uu haatan ku jiro axmed Faarax ayaa ka hor waxa uu ka shaqayn jiray hawlaha NGO-ya waana halka ugu badan ee uu lacagta uu ka helay.
Si kastaba Guddiga Anshaxa Baarlamaanka Jubaland ayaa Xasaanada kala laabtay Axmed Cabdi Xasan oo ka tirsanaan jiray Baarlamaanka Jubaland kadib markii lagu eedeeyey inuu Saxiixyo Mooshin been abuur ah ka sameeyey Xildhibaano ka tirsan Jubaland.

Maamulka Jubaland Ayaan la ogayn talaabada ay ka qaadanayaan abaabulka uu wado Ganacsade Axmed Faarax marka ay dhameeyaan Baaritaanada ay wadaan.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT