Daawo:- Yaa maanta Shir guddoomiya Shirka Ammaanka Qaranka ee ka socda Muqdisho?

R/ Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.
Waxaa ka qeyb galay Shirka Amniga Qaranka R/wasaare ku xiggeenka Soomaaliya Madaxda Dowlad Goboleedyada, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiiro iyo Lataliyeyaal Arimaha amniga iyo doorashooyinka.

Shirka Amniga Qaranka oo galay maalintii labaad ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin hanaanka ay u dhaceyso doorashada dalka sanadka 2020 iyo dib u eegista la doonayo in lagu sameynayo Dastuurka dalka u yaala .

Golaha Amniga Qaranka ayaa tan iyo markii lagu dhawaaqay isugu yimid shirkii lixaad , waxaana la filayaa gabo gabadan shirkan in laga soo saaro War Murtiyeed ay isku raacsan yihiin dhinacyada shiray.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT