Siyaasi C/raxmaan C/shakuur “Golaha Amaanka Qaranka waxaa u sheegeynaa in dalku 3-bilood aanu laheyn Taliye Nabadsugid iyo Boolis”

 

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in dalka aanu laheyn seddex bilood ka badan Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida, iyadoo Muqdisho ka socdo shirka Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Hey’addaha Amniga.

Siyaasi Warsame ayaa sheegan in Shirka Golaha Amniga Qaranka ay ka sugayaan in Xukuumadda u sheegaan in dalku aanu seddex bilood ka badan uusan ahaan karin Taliye Nabadsugid iyo Boolis la’aan.

“Shirka Golaha Amniga Qaranka waxaan ka sugaynaa in ay xukuumada u sheegaan in dalku sedex bilood ka badan uusan ahaan karin taliye Nabadsugid iyo Boolis la’aan. Waana in ay yihiin kuwa sharciga dhowra, danbiyana horay u soo gelin”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay uga fadhiyaan in la baaro cidii ka dambeysay weerarkii 17 bishii December ee sanadkii hore lagu qaaday xarunta Xisbiga Wadajir iyo shantii ruux ee lagu dilay.

Waxaa uu ka codsaday Golaha Amniga Qaranka in la isla meel dhigo ujeedka loo adeegsanayo Ciidanka Nabadsugida, isagoo xusay in Ciidanka Nabadsugida loo dhisay in ay ilaaliyaan Amniga Qaranka,.Argagixisadana la diriraan ee loo ma dhisin in ay weerar ku qaadaan dadka Xukuumadda ka aragti duwan.

Dhamaadkii Todobaadkii hore ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in la magacaabayo Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida, hase ahaatee Madaxda dowladda ayaa isku afgaran waayay cida loo xusho xilalkaas banaan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT