Maxay tahay lixda arrimood oo lagu xasuusan doono Sanadka 1-aad oo ay jirsatay Dowladda Farmaajo?

 

Waxaa inta badan goobaha lagu shaaho ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka laga hadal hayaa caqabada Siyaasadeed ee lasoo daresay Dowladda Soomaaliya tan iyo markii 8-dii bishii February ee 2017,ka ee la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dowladda Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ee sana jirsatay ayaa caqabadaha ugu badan kala kulantay fal celin ka dhalatay talaabooyinka ay qaaday.

Waxaa talaabooyinka ay qaaday mudada ay jirto ka dhashay caqabado aan lasoo koobi Karin, waxaana xusid mudan in caqabadahaasi ay hakat galiyeen shaqooyinka qaar ee dowlada.

Dowladda qudheeda waxa ay qaaday talaabooyin cirka ku shareeray caqabadaha jiray kuwaa oo u muuqday inay ku degdegtay iyadoo aan caga dhigan.

Caqabadaha qaar ayey dadku saadaalinayeen in Soomaaliya ay dib ugu laaban karto halkii ay labaatan iyo dhowr sano ka hor taagneyd Soomaaliya.

Xasuusaha waaweyn ee shacabku dib u milicsankaraan ayaa waxaa ka mid ah:

1-Go’aanka ay Dowlada Soomaaliya ka gaartay xiisada ka dhextaagneyd dowladaha Khaliijka ee lagu caburinaayay Qadar.

2-Dhiibista Sarkaalka ONLF C/kariin Qalbi Dhagax oo ay dowladu u gacan galisay Ethiopia.

3-Khilaafyo hareereeyay Dowladda iyo maamul Goboleedyada sida HirShabelle iyo Galmudug oo gaaray heerkii ugu adkaa.

4-Xeer ilaaliyaha Qaranka oo soo jeediyay in xasaanada laga qaado laba Xildhibaan oo kala ah Xasan Macalin iyo Saabir.

5-Weerarkii lagu qaaday Hooyga Siyaasiga mucaaradka ee qunyar socodka ah C/raxmaan C/shakuur.

6-Weerarkii lagu qaaday Hooyga gudoomiyaha Gudiga Dastuurka labada Aqal ee baarlamanka Somalia Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goortii la doortay sheegay in dowladiisa ay xooga saari doonto Siyaasadda iyo Amniga gudaha, hase ahaatee waxaa muuqaneysa inay ku dhex jiraan shaqsiyaad danqinaaya boogaha Siyaasadeed ee bogsiinada u baahan.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya ee sanadka jirsatay ayaa looga fadhiyaa in sanadaha u harsan ay marba marka xigta dib u saxdo khaladaadka ka dhaca.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT