Maxaa ka socda magaalada Boosaaso?

Wararka ka imaanaya soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta G/Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu sugayo.

Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii Xalay Magaalada uu ka dhacay Weerar Khasaare geystay oo kooxo hubeysan ay ku qaadeen Saldhigga Bartamaha ee Boosaaso.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Boosaaso.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Boosaaso.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Boosaaso.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT