Lionel Messi Oo Iska Diiday Mushaar Dhan 88 Malyan Sanadkii Uu Baaqi Ugu Sii Ahaado Garoonka Camp Nou

 

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday heshiis waali ah oo ay usoo bandhigeen kooxaha reer China si uu baaqi ugu sii ahaado garoonka Camp Nou, waxeyna arintaan timid maalmo ka hor intauusan heshiiska u kordhin kooxdiisa.

Xidigaan reer Argentina wuxuu noqon lahaa ciyaariyahanka ugu mushaarka badan dunida hadii uu aqbali lahaa dalabka kasoo gaaray bariga fog, waxaana lagu sheegay isbuucii inuu heli lahaa aduun dhan 1.7 Malyan oo Pound.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa ku waramay in xidiga reer Argentina uu iska diiday heshiis waalli ah, wuxuuna ka doorbiday inuu saxiixo heshiis cusub oo gaaraya ilaa 2021.

Heshiiska cusub ee Barcelona waxey ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan maadaama uu isbuucii qaadanayo aduun dhan 500,000 kun oo Pound ka hor canshuurta


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT