Kheyre oo shir guddoomiyey shirka Ammaanka Qaranka oo maalintii 2-aad ka socda magaalada Muqdisho

Shirkan oo ay ku dhan yihiin madaxda dowlad gobolleedyada dalka ayaa waxaa maanta shir guddoomiyay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Wallow marka dhinac laga eego shirka lagu magacaabay mid looga hadlayo Ammaankaa Qaranka, haddana meesha kama marna in madaxdu isla eegto qodobo kale oo waaweyn oo quseynaya danaha Qaranka, gaar arrimaha Dastuurka oo ah qodobo muhiim u ah dhamaanba dhinacyada miiska wada fadhiya.

Arrimaha Ammaanka marka laga hadlayo shirka waxaa muhiimad gaar ah uu siin doonaa qodobka isku dhafka ciidammada, iyada oo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr Micheal Keating uu shirka golaha ammaanka ka sheegay in dowlad goboleedka Puntland ay ciidammada xoogga dalka ay ku biirisay kumanmaan askar ah, islamarkaasna hawsha isku dhafka ay si wanaagsan u socoto.

Siyaasiyiinta sida xooggan u dhaliilsan DF Soomaaliya ayaa sheegay in shirkan uu ku soo beegmay iyadoo dowladdu ay ku guul-dareysatay in ay soo magacaawdo taliyaha nabad-sugida, maadaama wali aan la buuxin muddo billooyin ah xilkaas.

Galinka dambe ee maanta ayaa shirka lasoo gunaanadi doonaa, waxaana laga soo saari doonaa war saxaafadeed sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhowdhow madasha uu kulanka ka socdo.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT