Ferguson Oo U Muuqday Mid Jose Mourinho U Tilmaamay Xiddiga Ay Tahay In Waqti Badan La Siiyo Ee Ka Tirsan Kooxda Hadda.

Sir Alex Ferguson ayaa soo xaadiray Old Trafford shalayto xilli ay kooxda maamuus u sameysay 60-guuradii kasoo wareegatay markii ay musiibada soo wajahday kooxda ka dhisan Ingiriiska, waxaa kulmay ciyaartoydii hore kooxda, kuwa hadda & dhamaan shaqaalaha si loo muujiyo dareen wadajireed oo ku saabsan dhacdadii kooxda soo martay.

Markii maamuuska dhamaaday, Ferguson oo dhinac taagan Ed Woodward ayaa gacan qaaday in badan oo ka tirsan ciyaartoyda Red Devils, balse xidigii ugu dambeeyay wuxuu ahaa da’yarka Scot McTominay kaas oo la qiyaasay iney Ferguson & Jose ka sheeksteen.

Muuqaalada la baahiyay ayaa muujinaya in Ferguson uu salaamay Zlatan iyo Lindelof ka hor inta uusan waji ka waji markii ugu horeysay u wajahin McTominay.

Ferguson markii uu gacan qaaday wiilka yar, wuxuu gacanta qabtay Mourinho isagoo u muuqday shaqsi wax u tilmaamaya, wax badan ayey wada hadleen labada dhinac iyadoo malada ay tahay inuu ugu yaraan u sheegay wax ku saabsan McTominay.

McTominay wuxuu si fiican ula falgalay kooxda, wuxuu kasoo baxay doorka khadka dhexe waliba si weyn kulankii ay guusha ka gaareen Huddersfield Town todobaadkaan bilowgiisii.

Lama xaqiijin karo arinka ugu weyn ee wada hadalkooda, balse tilmaanta Ferguson iyo socodka McTominay oo kulmay ayey jamaahiirta Red Devils u arkeen in macalinkoodii hore uu aad ugu qancay qaab ciyaareedka xidiga da’da yar.

Xilli ciyaareedkaan 11-kulan ayuu kasoo muuqday kooxda iyadoo la xasuusto inuu xilli ciyaareedkii hore kasoo muuqday kaliya laba kulan.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT