Ciidanka amniga oo xalay howlgal guri guri lagu baarayay ka sameeyay maagalada Muqdisho

 

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xalay howlgal saacado badan qaatay ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Hodan, iyadoo howlgalkan oo ahaa mid guri kasta lagu baarayay ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Tuulax.

Howlgalkan ayaa ka dhacay Waaxda Taleex, halkaasoo Ciidamada NISA ay dad badan gurigooda ugu dhaceen, waxaana laga soo saaray dhalinyaro fara badan, xilli ay hurdayeen, waxaana dhalinyarada la soo qabtay ay gaarayeen illaa afar boqol, kuwaasoo la isugu keenay goob fagaare ah oo markii dambe lagu kala saaray, isla markaana la fasaxay baaritaanka kaddib.

Guddoomiyaha Degmada Hoddan Maxamed Axmed Cantoobo oo baarista kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Baaritaankan uu ahaa mid lagu Xaqiijinayo Amniga Degmadda, waxaana uu tilmaamay in si guul ah uu ku soo dhammaaday.

Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Amniga Iyo Siyaasadda Maxamed Tuulax oo la hadlay warbaahinta Baarista kadib ayaa sheegay in howlgalkan uusan ku ekeyn xalay kaliya, balse si siman looga wada fulin doono dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

“Waxaan u Mahadcelinayaa Ciidanka Amniga NISA ee Caawa Howlgalkani sameeyay, waxaan aad ugu riyaaqay runtii sida anshaxa iyo qadarinta badan oo aad ula dhaqanteyn bulshada, waxaana ay na galisay rajo aad u weyn, howlgalkani waxaa uu ahaa mid lagu u gaarsanayay Cadowga Umaddaan, kaasoo mar kasta shacabka ku dhex dhuunta, waxaana caawa halkan aan u joogaan Xilligan, waa in aan xaqiijino Amniga Caasimadda, taasoo ah mid naga go’an hadaan nahay Maamulka iyo Hay’adaha Amniga Gobolka Banaadir, Laakiin Shacabka Caasimadda waxaa ka rabnaa laba arrimood, in ay nagu caawiyaan soo qabasha iyo ugaarsiga Cadowga oo ay noo far-muqaan, iyo in ay noo dulqaataan inta aan ku jirno howlgalada Cadowga lagu baacsanayo”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Amniga.

Saraakiisha Ciidanka NISA ee Howlkan fuliyay ayaa sidoo kale si waanagsan u la dhaqmay dadka laga Soo aruuriyay Xaafada uu howlgalka ka socday, waxaana inta uu howlgalka socday la arkayay, Ciidanka oo si Asluub ay ka muuqato u la dhaqmaya Bulshada, una sheegaya in aysan jirin qof xad-gudub lagu sameynayo taasoo isu soo dhawaansho ka dhex abuurtay ciidanka iyo Shacabka.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT