TOP SECRET :- Sababaha ay ku kala tageen MD Farmaajo & Thaabit oo la ogaaday

Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta isaga tagay magaalada Muqdisho ka dib markii wareegtii 21-kii bishii hore ka soo baxday xafiiska madaxweyne Farmaajo xilka looga qaaday.

Guddoomiye Taabit ayaa ka mid ah raggii ugu saameynta badnaa ee Saaxibada Madaxweyne Farmaajo, isla markaana wax ka soo dhisay, xilligii doorashada Madaxweynaha uu ku guuleystay.

Warar hoose oo ay heleyo Warqaad.com ayaa sheegaya in Guddoomiye Thaabit uu la kulmay madaxweyne Farmaajo oo go’aano masiiri ah horay u soo wada gaareen,islamarkaana ay ka wada hadleen Arrimo dhowr oo ay ku saabsan tahay xil ka qaadistiisa iyo sababta ku timid.

Inkastoo si dhab ah loo ogaan karin waxyaabaha sida rasmiga ah madaxweyne Farmaajo iyo Thaabit uga wada hadleen ayaa hadana wararka qaar waxay sheegayaan in la qanciyay Thaabit oo ka careysnaa xilka ka qaadista deg deg ah ee lagu sameeyay.

Khilaaf siyaasadeed ka dhashay maqaamka Caasimadda iyo arrimo kale oo soo kala dhex galay Taabit iyo saaxibada ku wareegsan Madaxweynaha ku wareegsan ayaa keentay inuu xilkii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho laga qaado.

Taabit ayaa ahaa Guddoomiyihii ugu dhalinyaraa ee soo mara Gobolka Banaadir iyo Caasimadda Muqdisho,wuxuuna ahaa Guddoomiyihii ugu horeeyay ee Gobolka Banaadir oo hanta quluubta dadweyne fara badan gaar ahaan kuwa muqdishaawiyiinta.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya socdaalka Thaabit, Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalkiisa yahay mid caadi ah, iyadoo uu dalka dib ugu soo laaban doono, waxaana wararka qaar sheegayaan inuu dalal kale tagi doono.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT