Rooney Oo faahfaahin ka Bixiyay Sababtii Uu Henrikh Mkhitaryan Ugu Fashilmay Man United, Muxuuse Ka Yiri Alexis Sanchez?

Weeraryahanka kooxda Everton Wayne Rooney oo xalay ka qeyb galay barnaamijka Sky Sports ee Monday Night Football ee lagu tabinayay ciyaarta Chelsea iyo Watford ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo quseeya kubada cagta Premier League.

Xiddigii hore ee United ayaa isku dayay inuu sharaxaad ka bixiyo sababtii keentay in xiddiga reer Armenia Henrikh Mkhitaryan inuu ku fashilmo Man United iyo ka hoos ciyaaristiisa Jose Mourinho, waxaana uu ka hadlay sababta uu ugu najixi doono Emirates Stadium oo uu bishii la soo dhaafay u wareegay.

“Waxaan qabaa inuu si weyn ugu haboon yahay kooxda Arsenal” ayuu Wayne Rooney u sheegay Sky Sports.

“Waxaan ku arkay tababarkii aan la qaatay isaga, waa ciyaaryahan tayadiisa ay aad u sareyso. Markii uu joogay Manchester United ma uusan helin xoriyad uu ku ciyaaro taasoo uu ku heystay Dortmund. Qaabka ciyaarta ayaa aheyd mid ka duwan tii uu u bartay, laakiin Arsenal waxa uu helayaa ciyaartoy la mid ah oo ku gaaf wareegsan. Waxa uu abuuri doonaa goolal, waxa uu dhalin doonaa goolal, waxaana qabaa inuu la qabsan doono.”

Rooney ayaa dhanka kale ka hadlay ciyaaryahankii Henrikh Mkhitaryan lagu soo bedeshay ee Alexis Sanchez kaasoo u wareegay Manchester United, waxaana xiddigii hore ee xulka Ingariiska uu aaminsan yahay in Sanchez uu caawin doono Romelu Lukaku.

“Aniga ahaan waxa ay ila tahay inuu Sanchez ku haboon yahay Manchester United” ayuu yiri Rooney.

“Waxa nin xamaasad badan, baahi badan u qaba guusha, waad arki kartaa inuu yahay guuleyste. Manchester United waxaa ka maqnaa ciyaaryahan sidaas oo kale ah oo ka garab ciyaara Lukaku islamarkaana caawiya.

“Imaanshiyaha Sanchez waa ay caawin kartaa Lukaku waxaana uu helayaa xoriyad uu ku dhaliyo goolal badan si la mid ah Sanchez.”


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT