RASMI: Xiddigii Hore Ee AC Milan Iyo Real Madrid Clarence Seedorf Oo Tababare Ka Noqday Horyaalka La Liga

Kooxda dhibtooneysa ee horyaalka La Liga Deportivo La Coruna ayaa xaqiijisay inay Clarence Seedorf u magacaabeen tababarahooda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Halyeeyga khadka dhexe ee Netherlands oo 41 sanno jir ah ayaa noqonaya tababarihii seddexaad ee Deportivo ee xilli ciyaareedkan ka dib markii uu bedelay tababarihii la ceyriyay Cristobal Parralo.

Isagoo bedelay Pepe Mel bishii October ee sannadkii la soo dhaafay, Parralo ayaa waxaa ceyrisay Deportivo isbuucaan ka dib markii ay guuldarro 5-0 ka soo gaartay kooxda Real Sociedad.

Guuldaradaas waxa ay keentay in Deportivo ay soo galaan kaalinta 18aad ee horyaalka La Liga iyagoo booska badbaada u jira seddex dhibcood.

Seedorf, oo sidoo kale u soo ciyaaray kooxaha Ajax, Sampdoria, Inter Milan iyo Botafogo ayaa waxaa la soo bandhigay xalayto, isagoo u sheegay suxufiyiinta: “Waxaan jeclaan lahaa inaan uga mahadceliyo Depor fursadaan ay i siisay ee aan ku caawinayo kooxda. Waa xaalad adag laakiin nolosha ayaa sidaan ah.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku soo laabtay kubada cagta oo aan la shaqeynayo koox taariikh weyn leh, waan ku faraxsanahay inaan ka shaqeynayo horyaal wax badan ii soo qabtay ciyaaryahan ahaan oo kiciyay waayaheyga ciyaareed. Waxaana rajeynayaa inay kicso waayaheyga tababarenimo.”

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT