Mid ka mid ah Guddoomiyeyaashii soo maray Buuloburte oo xalay lagu dilay Beledweyne

Waxaa xalay dabley hubeysan ay ku dileen mid ka mid ah Guddoomiyeyaashii hore ee soo maray degmada Buuloburte ee G/Hiiraan.

Sida ay sheegayaan wararka abaarihii salaadii cisho xalay ayaa kooxo bastooladley ah ay dileen Allaha u naxariistee Cabdi Iidow Sabriye oo soo noqday Guddoomiyaha degmada Buulo Burte, xilligii Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf.

Marxuumka la dilay ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka mid ahaa Culimada Tabliiqa ee si weyn looga yaqaano magaalada Beledweyn, waxaana la dilay xilli uu ka soo baxay salaadii cishaha.

Kooxihii dilka ka dambeysay ayaa baxsaday, waxaana ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ay sameeyeen howl galo, balse uma aanay u suura gelin inay soo qabtaan kooxihii dilka ka dambeeyay.

Geesta kale, waxaa xalay qarax xooggan laga maqlay wadada isku xirta garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo magaalada Beledweyn, qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku geeriyooday ninkii aasayay.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT