Guddoomiyaha G/Banaadir oo ka hadlay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa+Daawo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C.raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ka hadlay arrimaha mudnaanta gaarka u leh maamulkiisa cusub sanadaha soo socda.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay inay dardar gelin doonaan howlaha iyo adeegida shacabka Soomaaliyeed uu u haayo maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in arrimaha amniga ay si istiraatiijiyada uga shaqeyn doonaan, heer waax, heer degmo, illaa heer Gobol, isla markaana la dardar gelin doono barnaamijka deriseynta.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha nadaafada, bilicda iyo dhismaha waddooyinka ee socday la sii dardar gelin doonaan.

Waxaa uu ka hadlay arrimaha is qab qabsiga dhulalka Muqdisho, isagoo xusay inay Guddi heer qaran u saarayaan arrimaha dhulka, isla markaana maamulkiisa ay tallaabo ka qaadayaan cid alla cidii dhul Document sharci darro ama musuq maasuq wadata ee rabta in guri sharci daro dhisato.

 

 

 

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT