Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas oo hal Go’aan ka qaatay shirka socda Muqdisho iyo Farmaajo oo soo..

Warar hoose oo ka soo baxaya shirka Golaha Amniga Qaranka ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho,kaasi oo uu shir gudoominayo madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirka oo diirada lagu saarayo Xaaladda guud ee Amniga dalka, waxyaabaha ka qabsoomay shirarkii hore iyo wixii aan qabsoomin, ayaa waxaa ka qeyb galaya dhamaan madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng; C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Wararka shirka ka soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynayaasha Puntlanad iyo Jubbaland ay isku mowqif yihiin,islamarkaana ay wataan hal agenta oo ah in si wada jir ah dagaal adag loogu qaado Al-Shabaab.

Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas oo saaxiibo dhow ah ayaa la filayaa iney si isku mid ah uga hadlaan shirka iyo Qorshaha ay leeyihiin iney u soo bandhigaan Guddiga Amniga Qaranka.

Shirka wali wuu socdaa,waxaana la soo sheegayaa iney socdaan Khudbadaha ay jeedinayaan madaxda ka qeyb galeysa.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT