XOG HOOSE:- Xildhibaano & Siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Hawiye oo Muqdisho ka wada qorshe ay ku aargudanayaan

Xog gaara oo ay heshay warbaahinta halsheeg.com ayaa sheegeysa in Xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda Beesha Habargidir iyo siyaasiyiin ay xalay ku kulmeen Magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay sidii dowlada Soomaaliya looga heli lahaa jawaab cad ku aadan halka ay ku dambeeyaan baaritaanadii lagu sameeyay ciidamadii weeraray guriga Senetor Cabdi Cawaale Qeybdiid.

Cabdi Qeybdiid oo kulanka goobjoog ahaa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in hada ay soo baraarugaan siyaasiyiinta iyo xildhibaanada beeshiisa, isagoo sheegay in arintan ay aheyd mid lagu doonayay in lagu kharaajiyo dowladana ilaa iyo hada war cad kama soo saarin waa khalad weyn oo laga aamusan yahay.

Xildhibaanada labada aqal ee beesha Habargidir ee kulanka joogay ayaa balanqaaday in mooshin culus oo dhan ah Imaaraadka ay horgeyn doonaan baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena wasiirka amniga iyo Madaxda kale ee dalka wax laga weydiin doono natiijada kasoo baxday weerarkii lagu qaaday Cabdi Qeybdiid oo dowlada ay hore u sheegtay inay baaritaano wado.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT