Xildhibaankii lagu xiray Kismaayo oo la sii daayay, kuna dhawaaqay inuu is casilay

 

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay la sii daayay Xildhibaan Axmed Xasan Cabdi (Axmed Taajir) oo maalmo ka hor Baarlamaanka Jubblanad uu sheegay inuu xasaanadii ka qaaday

Axmed Taajir ayaa muddo shan cisho ku xirnaa xabsiga Kismaayo, kaasoo lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay xeerarka u yaala Baarlamaanka Jubbaland, kaddib markii uu mooshin ka keenay Golaha Wasiirada Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu sii daayay Xildhibaanka xasaanada laga qaaday, iyadoo intii uu xabsiga ku jiray ay xaalado kacsanaan ka jireen magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Axmed Taajir ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku shaaciyay inuu iska casilay xubnimadii Baarlamaanka, kaddib khilaaf, kala aragti duwnaaan soo noqnoqday iyo xariggii loo geystay, isagoo sheegay inuu u tanaasulay shacabka reer Jubbaland iyo horumarkooda

Maleeshiyaad ku heyb ahaa Xildhibaanka xirnaa ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaq ka waday qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo, iyagoo ka gadoodsanaa xariga lagula kacay Xildhibaankooda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya David Concar uu ka dalbaday Madaxweynaha Jubbaland inuu sii daayo, iyadoo Xldhibaankan uu heystay dhalashada Ingiriiska.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa todobaadkii hore mooshin ka dhana ah Golaha Wasiirada ka gudbiyay, waxaana jawaabta mooshinkaas ay noqotay in Xildhibaanadii waday loo hanjabo.

Maamulka Jubbaland oo uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa gacan bir ku haya magaalada Kismaayo, iyadoo aanay jirin cid ka hor imaan karta maamulkiisa shacab iyo Xildhibaan midna, waxaana xildhibaano horay uga hor-yimid maamulkiisa laga qaaday xasaanada, isla markaana laga musaafuriyay Kismaayo.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT