War deg deg ah oo hadda naga soo gaaray dagaalka Tukaraq iyo Ciidamo badan oo ku…

Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladda deegaankaas ay saaka dagantahay inkastoo saan saan colaadeed wali la dareemayo.

Waxaa jira in ciidamada labada dhinac ay gaaareen deegaano cusub taasoo qeyb ka ah istaraatiijiyada dagaalka maadaama labada dhinac wali ay isku soofeysanayaan qoryaha.

Waxaa sidoo kale jira in ciidamo dheeraad ah oo kala kala socda labada dhinac ay gaaraaan jiidaha hore ee dagaalka waxana saacad waliba qarxi kara dagaal culus oo dhex mara ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

Shacabkii ka ag dhawaa deegaanada labada dhinac ay isku hor fadhiyaan ayaa goor sii horeysay ka qaxay aagagaasi iyagoo baxsan ka ah dagaalka iyo madaafiicda labada dhinac ay isku diyaarsadeen inay dhibaato u geysato.

Ma jirto ilaa iyo hadda waan waan lagu kala dhex galayo labada maamul si looga hortago colaad ka bilaabata deegaanada ay isku hayaan iyadoo sidoo kale beesha caalamka ay walaac ka muujisay dagaal dhex mara labada maamul ee Somaliland iyo Puntland oo ay ku tilmaamatay inuu dagaalkaas dhibaato weyn ku keenayo nabad gelyada gobolka.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT