Maamulka G/Gedo oo sheegay in dagaal-yahanno iyo Saraakiil ka tirsan Shabaab ay soo galeen Gedo

Maamulka Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ay wehliyaan Saraakiil sar sare ay gudaha u soo galeen qeybo ka mid ah Gobolka Gedo, iyadoo culeys soo saaray deegaano ka tirsan Garbahaarey.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo ee dhanka Amniga Cusmaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in dagaalyahano fara badan oo ka tirsan Shabaab oo ka yimid Jubbooyinka ay soo galeen deegaano ka tirsan Gedo.

“Dagaalyahano Shabaab ah ayaa meelo badan oo Gobolka Gedo ka mid ah soo galay, oo ay wehliyaan madaxdooda, waxaa deegaanada soo galeen ka mid ah Ceel Cadde, Kabis, Caracas, Golweyn iyo meelo kale oo ku dhow Garbahaarey”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Gedo oo wareysi siiyay Idaacada Kulmiye

Waxaa uu sheegay inay ka war heleen in saraakiisha soo gaaray deegaano ka mid ah Gedo uu ku jiro Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye.

Guddoomiye kuxigeenka Gedo ayaa sheegay in culeyska ay Al-Shabaab soo saareen Gobolka la wadaageen Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada taageera.

Dhowrkii todobaad ee u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay warar sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay soo galeen qeybo ka mid ah Gobolka Gedo, iyagoo ka soo baxsanaya duqeymaha iyo weerarada Diyaaradaha Mareykanka ka fuliyaan Gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT