M/weyne Zuma oo laga dalbaday in uu xukunka ka dego

Saraakiil sarsare oo ka mid ah xisbiga haya tallada dalka dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa ugu baaqay madaxweynaha dalkaasi in uu isku casilo si deg deg ah.

Waxaa ay sheegeen in madaxweyne Jacob Zuma uu wajahaayo eedeymo dhanka musuq-maasuqa ah, islamarkaana bilihii lasoo dhaafay uu xoogeystay Musuqmaasuqa dalkaasi.

Dacwad oogayaasha dalka Kooonfur Africa ayaa haatan u muuqda inay baaritaan ku hayaan eedeymaha musuqmaasuq ee la sheegay in uu ku lug leeyahay madaxweyne Zuma iyo qaar ka mid ah saaxiibadiisa aadka ugu dhow.

Siyaasiyiin badan oo ku jira xisbiga ANC ayaa doonaya inuu madaxweynuhu si degdeg ah xilka uga dego, si ay diirrada u saaraan dib u hagaajinta sumcada xisbiga ka hor doorashooyinka sanadka soo socda.

Madaxweyne Zuma ayaa haatan wali haya jagada madaxweyne. balse tan iyo bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay xiligaasi oo xisbiga ANC hogaamiye cusub loo doortay ayaa waxaa meesha ka baxay xiriirkii Zuma uu la lahaa xisbiga ANC.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT