Xildhibaano ka tirsan Dowladda oo Imaaraadka Carabta uga digay Qorshaha bur burinta Soomaaliya

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa ugu digay Dowladda Imaaraadka Carabta burburinta ay la damacsan tahay Soomaliya.

Waxa uu sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay kamid tahay Dowladaha ugu dhaqaalaha badan caalamka islamarkaana aan loo baahneen in dhaqaalaheeda ay ku burburiso Soomaliya.

Xildhibaan Dalxa ayaa ugu digay Madaxda Dowladda Soomaliya in iyagoo danahooda eeganaya aysan dowladda imaaraadka carabta fursad u siinin burburinta Qqaranimadda Soomaliya.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa hay’adaha amaanka Dowladda Soomaliya ugu baaqay in ay keenaan cadeymo rasmi ah oo ku saabsan weerarkii lagu qaaday hoyga Sanator Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) oo kamid ah Xubnaha aqalka Sare.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT