Shariif Sakiin oo wafdi ka socda Ingiriiska kala hadlay howlo muhiim ah iyo dagaalka Al-Shabaab+SAWIRO

Wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Dowladda Britain u fadhiya magaalada Muqdisho Ambassador David Concar ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dib ugu laabtay magaaladaasi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Safiirka iyo madaxweyne Shariif Xasan ayaa ka wada hadlay xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaanada maamulkaasi, arrimo la xariira horumarka, iyo Nabad galyada.

Ammaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in Safiirku uu booqdo xarumo kala duwan oo ku yaalla magaaladaasi.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT