Mooshin culus oo Muqdisho lagudDiyaarinayo iyo Imaaraadka oo Arin qatar loo maleegayo

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa bilaabay diyaarinta Mooshin cusub oo ka dhan ah dowladda Imaaraadka.

Mooshinkan ayaa yimid kadib weerarkii ay ciidamo taabacsan Imaaraadka ku qaadeen Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), waxana ujeedkiisu yahay in dowlada Xukuumada Soomaaliya lagu qabso inay tallaabo ka qaado faragelinta Imaaraadka ku hayo arrimaha gudaha dalka.

Xildhibaannada qaarkood ayaa u arka in Imaaraadku uu hadda isu bedelay dal ciidamo ku dhex leh gudaha Muqdisho oo awooda inuu howgollo, dilal qorsheysan iyo xarig ka fuliyo gudaha Muqdisho, iyadoo aanay waxba kala socon dowladda Federaalka.

Waa mooshinkii saddexaad ee ay xildhibaannada ka diyaari aan marna la horkeenin fadhiyadii Baarlamaanka sababo jira awgood.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT