Dalka Qadar oo Ciidamo gaar ah u tababareya Villa Somalia+Ogow ninka ka dambeeya arrintaas!!

Dowladda Federaalka Soomaaliiya ayaa Dowladda Qadar ka dalbaday iney tababar u siiso Ciidamo gaaraya 600 ilaa iyo 1,000-askari oo si gaar ah u ilaaliya xarumaha muhiimka ah ee Dowladda.

Ilo wareeyo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay iney socoto qorista dhalinyaro Waxbaratay oo ka mid noqonaya Ciidamadaasi,waxaana si gaara ah u qoraya Ciidamadaasi mas’uuliyiinta ka tirsan madaxyada Soomaaliya oo loo diray iney Ehaladooda keenaan si loo heli Ciidamo la isku haleyn karo.

Sidoo kale,Qorahahan ayaa waxaa loo xilsaaray in Qadar uu ka dhaadhiciyo Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin,islamarkaana Ciidamada ay u noqdaan kuwo si toos ah madaxtooyada ugu xiran ugana amar qaata.

Ciidamadan oo tababar casri ah ku soo qaadaya dalka Imaaraadka ayaa ilaalo gaar ah looga dhigaya xarumaha muhiimka ah ee Dowladda,sida Madaxtooyada,xarunta Maxkamada sare iyo waliba xarunta Xildhibaanada Aqalka sare,sida aan xogta ku helnay.

Sidoo kale,Ciidamadan ayaa qaadi doonaa weerarada lama huraanka ah ee amarkooda ay bixiso madaxtooyada Soomaaliya.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT