XOG HOOSE:- Hogaamiyaha ugu sareeya Shabaab oo la ogaaday halka uu ku wajahan yahay

Warar hoose oo ay ogaatay Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha ugu sareeya Al shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda uu ku wajahan yahay buuraha Galgala.

Axmed Cumar Abu Cubeyda oo hada ku sugan qeybo ka mid ah Gobalka Gedo ayaa cabsi ka qaba Ciidamada Mareykanka oo duqeymo aan kala go’laheyn la beegsanaya masuuliyiinta Al Shabaab.

Sidoo kale Abuu Cubeyd ayaa ka baxsanaya Masuuliyiinta ku xigta ee Al shabaab oo ay isku khilaafeen habka hoggaaminta, waxaana jira ciidamo Al shabaab oo dhulka howdka gobalka Gedo ka raadinaya Axmed Cumar Abu Cubeyda.

Madaxda Al shabaab ee Koofurta Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Fiidow ayaa dagaal xoogan kula jira Hoggaamiyaha Al shabaab.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT