Sanbalooshe oo ka hadlay sababaha loo magacaabi la’yahay Taliyaha Nabad-Sugidda

Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe”, Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa ka hadlay sababta illaa iyo hadda loo magacaabi la’yahay Taliyaha cusub ee NISA.

Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe” iyo Taliyihii hore ee Booliska Somaliya, General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid), ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay 29­kii bishii October, maalin ka dib weerarkii abaabulnaa ay Shabaabku ku galeen Hotelka Naasa Hablood 2 oo ku yaala Degmada Xamar Weyne.

Sanbaloolshe oo wareysi dhinacyo badan taabanaayay siiyay Idaacadda VOA laanteeda Afsoomaaliga, lana weydiiyo waxa loo magacaabi la’yahay Taliyaha cusub ee NISA, ayaa sababta ku sheegay inay saddex arrimood la tahay.

Midda hore, ayuu ku sheegay “Waxay ila tahay kow su’aashaas in Madaxda Qaranka la weydiiyo waa muhiim, laakiin saddex arrimood, mid malaha qorshe xumo weeye, markii hore Taliye­yaasha xilka laga qaadaayay waxay ahayd haddii Taliye­yaashii meesha joogay la saluugay ama la dhaliilsanaa in la diyaariyo dadkii xilkaasi laga wareegi lahaa, taasi ma dhicin waa qorshe xumo.”


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT