Maxaa sabab u ah in Wasaaradda Maaliyadda ay gaabiso Daah furnaantii ay bilowday Xukuumaddii hore?

Wasaaraddii Maaliyadda ee Xukuumaddii hore ayaa la bilowday hab lagu soo bandhigayo warbixinno la xiriira xisaabaadka dowladda bilowgii sanadkii 2016.

Bogga Wasaaradda Maaliyada ayaa waxaa bil walba lagu soo bandhigi jiray warbixin faah faahsan oo bille ah, lagaa soo bilaabo bishii Janaayo 2016 ilaa bishii Maarso 2017.

Warbixintaas oo ay ku cadahay daqliga iyo qarshaadka dowladda, taas oo bilow fiican u ah daah furnaan iyo isla xisaabtan joogta ah oo warbaahinta madax banaan iyo dadwaynahaba ay ka dheehan karaan xisaabaadka dowladda oo lagu soo bandhigayay Bogga Wasaaradda Maaliyadda.

Inkastoo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ay dhowr jeer oo hore ku celcelisay inay la dagaalameyso musuq maasuq, ayna la timid Xukuumaddiisa daah furnaan, ayaa hadana wali si rasmi ah u soo bandhigin xisaabaadka dowladda marka laga reebo qoraalo dacaayad oo lagu soo dhigo kaliya baraha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa tan iyo markii uu soo magacaabay Golihiisa Wasiirada bishii March ee sanadkii hore ayaa labo bil oo kaliya la soo bandhigay xisaabaadka dowladda, sida bilihii May iyo June.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sanadkii tagay 2017 heshay kaalmadii ugu badneyd ee dalka helo tan iyo 1991. Kaalmada dowladdu ka heshay dalalka Turkiga, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qadar waxay kor u dhaafaysaa Boqol Milyan oo doolar sannadkii tahay ee 2017.

Kaalmadaas ayaa ilaa hadda la ogayn sida loo isticmaalay marka laga reebo bixinta Mushaarooyinka oo inta badan laga bixiyo daqliga gudaha.

Lama oga sababaha ay haatan uga gaabisay Wasaaradda Maaliyadda daah furnaanta iyo xisaabaadka dowladda soo gala oo bil walba lagu soo bandhigi jiray Website-ka Wasaaradda Maaliyadda.

Jowhar.com ayaa is bar bar dhig ku sameysay daah furnaanta Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumaddii hore iyo Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda hada jirta xisaabaadkii dowladda ee la soo bandhigay sanadkii 2017 iyo sanadkii ka horeeyay.

Halkan hoose ka akhriso Warbixinada la soo geliyay bogga Wasaaradda Maaliyadda sanadkii 2017 iyo 2016.

1- Warbixinta Xisaabaadka dowladda ee la soo bandhigay sanadkii 2016
2- Warbixinta Xisaabaadka dowladda ee la soo bandhigay sanadkii 2017

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT