Maxaa ka jira in C/raxman C/shakur la shiray Masuuliyiin ka socda Imaaraadka & Lacago lagu wareejiyay?

Xog gaara oo ay heshay Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegeysa in Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur uu magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda dowlada Imaaraadka Carabta.

Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur iyo masuuiyiintan ayaa ka wada hadlay arimo ku saabsan weeraradii ugu dambeeyay ee ciidamada dowlada Soomaaliya kusoo qaadeen gurigiisa iyo masuuliyiinta ka tirsan xisbigiisa.

Kulankan oo qarsoodi ahaa ayaa la sheegay in sidoo kale lagu soo hadal qaaday mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya ay ka abaabulayaan xildhibaanada mucaaradka ku ah dowlada Federaalka Soomaaliya.

Warar qaar ayaa sheegaya in Saraakiishan ka socda dowlada Imaaraadka ay lacag aad u badan ku wareejiyeen Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur, walow aan la ogaan inta ay la eg tahay.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT