Guddoomiye Yariisow oo kulan la qaatay Safiirka Ingariiska u fadhiya Soomaaliya

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa cusub, Dhankiisa, Mr. Concar wuxuu soo dhoweeyay inuu guddoomiyuhu diiradda saarayo maamul wanaagga iyo dimuqraadiyaynta.

Labada mas’uul waxay isku afgarteen muhimadda uu leeyahay amniga, canshuuraha, iyo in xal waara loo helo dadka barakacayaasha ee jooga magaalada Muqdisho.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay arrimaha sida gaarka ah diiradda looga saaray kulanka inay ka mid tahay horumarinta Caasimadda iyo in loo helo waddooyin, maadaama kuwii hore bur-bur xoogan soo gaaray , nadaafadda, la dagaalanka saboolnimada iyo dadka barakacayaasha ah in loo sameeyo isbitaallo yar-yar iyo goobo waxbarasho.

Sidoo kale waxaa kulanka la iskula soo qaaday arrimaha dhulalka, gaar ahaan goobaha danta guud ee ay dagan yihiin dadka danyarta ah in fursad la siiyo ka hor inta aan laga saarin.

Labada mas’uul waxay mar kale xaqiijiyeen wadashaqeynta xoogga leh ee ka dhexeysa Safaaradda Ingiriiska iyo Maamulka Gobolka Benaadir iyo inay ka go’antahay inay si intaa ka dhow u wadashaqeeyaan.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT