Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Madaale oo ka hadlay cida bixisay dhulkii Biyaaso Liibaro

 

Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” ayaa iska fogeeyay inuu bixiyay dhulka Biyaaso Liibaro oo ku yaalla nawaaxiga Ceel Gaabta ee degmada Xamar Jajab, taasoo wareegto uu soo saaray uu ku joojiyay dhismaha dhulkaas Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow.

Mudane Yuusuf Madaale ayaa sheegay in warqada la soo xigtay ee ka soo baxday xafiiskiisa xilligii uu xilka hayay ay aheyd mid wargelin ah oo aan siismo aheyn, maadaama Shirkadda ECCO ay raadineysay meel qashinka lagu keydiyo.

Yuusuf xuseen Jimcaale oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Warqadii uu horay ugu fasaxay shirkada ECCO ay ku saabsaneyd mid shirkadaas oo Gobolka kala Shaqeyneysay dhanka nadaafada ay halkaasi Qashinka ku keydsadaan kadibna laga sii qaado.

“Aniga warqadeyda wargelin ayay aheyd, ee siismo ma aheyn, wargelin iyo siisombixin farqi ayaa u dhaxeeya, shirkaddii nala shaqeyneysay ee ECCO goobo ay qashin dhigaan in la siiyo, kaddibna laga sii qaado, meel ay iyaga leeyihiin oo ku nacfinayaan midna ma aheyn, warqadii aan soo saaray waxay aheyd 11 bishii 4aad ee sanadkii hore, anigana waxaa xilka wareejiyay 15 bishaas, laakiin muhiimadda waxay aheyd in la caddeeyo cida dhulkaan bixisay, waxayna ahaayeen maamulkii aniga iga dambeeyay”ayuu yiri Guddoomiye Yuusuf Madaale.

Waxaa uu sheegay in dhulkan la bixiyay bishi hore ee Janaayo ee sanadkan 2018, isla markaana ay aheyd in waxa la qarinayo ee mugdiga ku jira banaanka la soo saaro.

“Dhulkaan waxaa la bixiyay bishii Janaayo 2018, maamulkii iga dambeeyay ayaa bixiyay, waxay aheyd warqadii wax lagu siiyay in miiska la soo saaro, cida bixisay la caddeeyo oo mugdiga ku jira laga saaro, warqada la xiganay ee xilligaan joogay waxaa ka dambeysay xilligii wax la baxshay”ayuu yiri Yuusuf Madaale.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay intii uu xilka hayay aanu taako ka mid ah dhulka Gobolka Banaadir aanu sifo sharci darro ah uusan ku bixin.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT