Diyaarad ku soo dhacday G/Sh/Hoose & DF Soomaaliya oo war ka soo saartay

Maamulka G/Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay inay jirto diyaarad nuuca xamuulka qaadda, oo ku dhacday duleedka degmada Wanlaweyn ee G/Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye Ku xigeenka dhinaca Maaliyadda ee Maamulka Shabeellaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle o ayaa tilmaamay inay heleen xogta ku aadan diyaaradan, gelinkii dambe ee maalintii Arbacada.

Wuxuu sheegay ka hor inta aanay dhicin diyaaradaasi in lagu arkay iyadoo joog hoose ku duuleysa inta u dhaxeyso Degmada Wanlaweyn iyo Degaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose, shacabkana ay dareemeen cabsi.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdifataax ayaa sheegay in Diyaaradan ay u muuqatay inay kor u kici la’dahay, sababo ku aadan diyaaradda oo loo maleynayo inay xamuul ka tan badan siday, ugu dambeyna ay ku dhacday degaanka Labiga Dhaadheer, oo ku dhow Xeradii hore ee Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Kaba Hirig.

Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa intaas ku daray in Maamulka degmada Wanla-weyn iyo Booliska Degmadaba, ay kala warbixino qaadanayaan Saraakiisha Ciidamadda Soomaalida iyo kuwa Mareykanka, ee ku sugan Garoonka Balli-doogle.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT