Dalka Jarmalka oo soo saaray Go’aan lama filaan ku noqday DF Somalia & Taageeradii uu…

Dowladda Jarmalka ayaa Khamiistii 01-dii bishan shaacisay iney joojineyso guud ahaan ka qeyb qaadashada tababarkii iyo taageeradii ay siin jirtay Ciidanka Millitariga Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Jarmalka gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in gudaha Soomaaliya laga saari doono bisha March ee sanadkan Toboneeyo Askari oo Tababarayaal ah, kuwaasi oo u dhashay dalkaasi, taasi oo ka dhigan inuu soo gaba gabeynayo Howlgalkiisa Soomaaliya.

“2010 ilaa sanadkan 2018 ayaan wadnay tababarka iyo taakuleeynta Ciidanka Milliteriga, hadda waxaa noo muuqaata iney wax walba ku laabteen meel fool xun sidaas darteed waan joojinay tababarkii aan wadnay” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Germany.

“Ciidamda Qaranka Soomaaliya horumarkoodu si gaabis ah ayuu ku socdaa waxaan keenay dhibaatooyinka ka taagan dhanka siyaasadda iyo waliba hay’adihii dowladda oo heerkii ku haboonaa uusan gaarin dhismahoodu”. Waxaa sidaas Reuters u sheegay De Siegel oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha dibadda Jarmalka.

Dowladda Jarmalka ayaa waxa ay ka mid tahay qorshe Midawga Yurub uu ku tababaro Ciidanka Xoogga kaas oo magaciisa loo soo gaabiyo EUTM, Jarmalka wuxuu bilaabay Tababarkan sanadkii 2010-kii xilligaas oo Dowladda Soomaaliya ay dalbatay taageero dheeraad ah.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT