Dagaal culus oo ka dhacay Boosaaso & Xog ka soo baxeysa Khasaaraha ka dhashay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay fiidkii Ciidamada Puntland iyo Shabaab ku dhexmaray duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Dagaalkan ayaa yimid kadib dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen degaanka Sugurre ee duleedka magaalada Boosaaso.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ay arkeen meydadka dhowr qof oo yaalla goobta lagu dagaalamay, inkastoo ay sheegeen in aysan garaneyn halka ay ka kala tirsan yihiin.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay iska difaaceen raggii weerarka soo qaaday, waxayna tilmaameen khasaaraha soo gaaray inuu yahay mid kooban.

Shabaab ayaa sheegay weerarkan in ay geysteen dagaalyahano iyaga ka tirsan oo gudaha u galay degaanka, sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in ay Madaafiic ku garaaceen fariisin Ciidanka Puntland ay leeyihiin.

Ciidamada ammaanka Maamulka Puntland ayaa saakay Howlgal gaar ah ka wada degaankii uu xalay dagaalka ka dhacay, waxayna ku daba jiraan raggii weerarka soo qaaday.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT