Taliyeyaasha NISA iyo Booliska oo maanta lagu wado in la magacaabo 3-bilood kaddib

 

Warar soo baxaya oo laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu jiro dhaq dhaqaaq ku aadan magacaabista Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida oo banaanaa saddex bilood.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa Jowhar.com u xaqiijiyay in Boosaska Taliyeyaasha NISA iyo Booliska ay u badan tahay in maanta la buuxiyo.

Madaxda dowladda sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha ka ag dhow ayaa la sheegay inay saacadihii la soo dhaafay kulamo ka lahaayeen arrimaha magacaabida xilka Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida, waxaana durbaba suuqa soo galay xubno dhowr ah oo la hadal hayo in loo magacaabi doono.

Wararka ayaa sheegaya in kulan Golaha Wasiirada Soomaaliya yeelan doona maanta oo Khamiis ah laga yaabo in lagu magacaabo boosaskaas oo muddo ay magacaabideeda hakad ku jirtay iyo Madaxda dowladda oo ku jahwareersanaa cida ay u xushaan.

Wasaaradda Amniga Gudaha oo xilalka Taliyeyaasha ay hoos-yimaadaan ayaa ku guuldareysatay inay soo gudbiso qorshe ama soo jeedin ay ku dalbanayso in la buuxiyo boosaskaas banaan.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa soo baxayay shaqsiyaad loo waday xilalka Taliyeyaasha banaan, hase ahaatee waxaa jiray doodo la xiriiray sida la isugu waafajin karo qaabka awood qeybsiga iyo beelo qaar oo xusul duub uga jiray labada jago.

Tan iyo xalay ayaa waxaa soo baxaya guuxa ku aadan magacaabida Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida oo 29-kii bishii October ee sanadkii hore laga qaaday Taliyeyaashii xilkaas hayay C/xakiin Daahir Saacid iyo C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT