Daawo:- Dhagar shabaab oo qorsheynayey Villa Somalia oo la ogaaday kadib…

Warar hoose oo ay heshay warbaahinta halsheeg.com , taasoo ku ku saabsan Ciidan Koofi Gaduud ah oo dhuula tus Militari ku sameeyay magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Villa Somalia.

Ciidankan oo tiro ahaan kor u dhaafayay 200-Askari ayaa muujinayay cududooda Militari,waxayna ahaayeen Ciidamada sida gaar ah ah u qaabilsan Amaanka Xeendaabka madaxtooyada Soomaaliya.

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada ilaalada Madaxtooyada oo si hoose aan ula hadalnay ayaa inoo sheegay iney ka war heleen in dhaq dhaqaaq ka tirsan Al-Shabaab weeraro Qaraxyo iney ka fuliyaan magaalada Muqdisho gaar ahaan xeedaabka madaxtooyada.

Wuxuu sheegay in ujeedka Ciidanka la soo bandhigay laga leeyahay ay tahay sidii ay u cabsi gelin lahaayeen Al-Shabaab una ogaadaan in loo diyaargarowbay dhagaraha qarsoon ay sameynayaan.
Ururka Al-Shabaab ayaa labo jeer oo hore waxay weerar kaga fuliyeen madaxtooyada Al-Shabaab,kuwaasi oo askar ka tirsan DF iyo maleeshiyadii Al-Shabaab ay ku geeriyoodeen.

Amaanka guud ahaan madaxtooyada Soomaaliya ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana la dhigay Baro Contarool oo ka badan kuwii hore.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA:-


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT