WAR DEG DEG:- Wasiir caan ka ah deegaanada Putland oo goordhow la dhaawacay & shaqsigii ka danbeeyay oo……

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Xarunta G/Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dhaawacay Wasiiru Dowlaha Dekadaha Maamulka Puntland Axmed Siciid Cabdi.

Wasiiru Dowlaha ayaa la sheegay in rasaas lagu furay Baabuur uu la socday xili uu marayay Wado mashquul badan oo ku taalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Ninka dhaawacay Wasiiru dowlaha uu muran dhexmaray sidaasna uu rasaas ugu furay,waxana la sheegay in durbadiiba Gacanta lagu dhigay.

Ciidanka amniga ayaa goobta soo garaay,waxaana lagu soo waramayaa in xaaladda haatan ay degan tahay.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT